Gobolka Nugaal oo qofkii dil geysta tiirka toogashada la geyn doono.

4 December, 2025

Odayaasha iyo waxgaradka gobolka Nugaal ayaa ku hawlan dhaqangelinta heshiiskii nabadda bulshooyinka gobolku ku qaateen dilalka…

Odayaasha iyo waxgaradka gobolka Nugaal ayaa ku hawlan dhaqangelinta heshiiskii nabadda bulshooyinka gobolku ku qaateen dilalka sii badanaya, boobka dhulka iyo qodobo kale oo Garoowe lagu saxiixay.

Guddiga oday dhaqameedka ee qaabilsan faafinta heshiiska ayaa gaarsiiyey dhammaan xafiisyada ay qusayso ee dowladda, waxaana ay sheegeen in wixii hadda ka dambeeya ay si wadajir ah u fulinta doonaan dowladda iyo oday dhaqameedka gobolka Nugaal.

Caaqil Abshir Cali Halow oo kamid ah guddiga hawsha gacanta ku haya ayaa sheegay in wixii hadda ka dambeeya qofkasta oo si badheed ah dil u geysta tiirka la geyn doono aysanna jiri doonin diyo ama Mag qabaa’iladu ka bixin karaan.

“Meel kale oo la aadi doono majirto maanta qofkii halkaas qof kale kas ugu dila tiirka ayuu la sheekaysanayaa, dowlad, ciidan iyo maxkamadihii waa loo haystaa odayaashiina waa garab taagan yihiin”, Ayuu yiri Caaqil Abshir Cali Halow.