Magaalada Rad ayaa maanta martigelisay kulan lagu maamuusayey guddida iyo shaqaalaha mashruuca waddada Ceeldaahir–Ceerigaabo, oo muddooyinkii…

Magaalada Rad ayaa maanta martigelisay kulan lagu maamuusayey guddida iyo shaqaalaha mashruuca waddada Ceeldaahir–Ceerigaabo, oo muddooyinkii u dambeeyey si hufan uga shaqeynayay dhismaha waddadan muhiimka u ah isku xirka bulshada gobolka Sanaag.
Kulanka waxaa ka soo qaybgalay: Masuuliyiin Kala duwan oo u horeeyaan Xildhibaan Cabdicasiis Axmed Dhahar, Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka, Daaqa iyo Isbeddelka Cimilada Puntland, Mudane Ayuub Cali Axmed, Guddoomiyaha Gobolka Sanaag, Islaan Xuseen Xaaji Cabdisalaan, Iyo marti-sharaf kala duwan oo ka socday qaybaha bulshada magaalada Rad.

Xildhibaan Cabdicasiis Axmed Dhahar ayaa bulshada uga mahadceliyey qaabilaadda sharafka leh iyo sida ay u muujisay isku xirnaanta iyo taageerada ay u hayaan mashruuca waddada. Waxa uu sheegay in waddadani ay tahay laf-dhabarta horumarka gobolka, taas oo suurta-gelin doonta dhaq-dhaqaaq ganacsi, caafimaad iyo adeegyadii muhiimka ahaa.
Mas’uuliyiintii goobta ka hadlay, oo ay ka mid ahaayeen Guddoomiyaha Gobolka Sanaag iyo Islaan Xuseen Xaaji Cabdisalaan, ayaa ku amaanay guddida mashruuca geesinimada, daacadnimada, iyo dedaalka ay u muujiyeen hirgelinta jidka Ceeldaahir–Ceerigaabo.
Bulshada Rad oo si isku duuban uga hadlay kulanka ayaa si wadajir ah ugu mahadceliyey: Madaxweynaha Dawladda Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland, Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid, iyagoo ku bogaadiyey taageerada muuqata ee ay u muujiyeen mashaariicda horumarineed, gaar ahaan garab istaagga iyo dhiirrigelinta mashruuca waddada Ceeldaahir–Ceerigaabo.
Bulshada ayaa xustay in mashaariicda socda ay caddeyn u yihiin hoggaan karti leh iyo dawlad taageerta horumarka guud ee Puntland, iyagoo ballanqaadeen inay si buuxda u garab-taaganyihiin dhammaan mashaariicda horumarineed ee gobolka Sanaag iyo guud ahaan Punland.





