18 February, 2025
Israel ayaa sidoo kale wafdi u direysa Qaahira si ay ugala hadlaan sii wadida fulinta wejiga xiga ee heshiiska xabad joojinta.

Golaha Wasiirada ee Amniga Israa’iil ayaa kulan yeeshay si ay uga wada hadlaan wejiga labaad ee heshiiska xabbad joojinta ee Xamaas.
Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa wafdi u diray Qaahira si ay ugala xaajoodaan “hirgelinta sii socota” ee wejiga xiga ee xabbad joojinta.
Falastiiniyiinta ku nool Gaza ayey u tahay maalintii 500-aad tan iyo markii uu dagaalka bilowday.
Dhammaan 2.4 milyan ee dadka deggan Gaza ayaa barokacay ugu yaraan hal mar tan iyo markii uu dagaalku billowday 16 bilood kahor.