Codbixinta Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay ee ku saabsan soo jeedinta lagu hubinayo badbaadada maraakiibta ku…

Codbixinta Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay ee ku saabsan soo jeedinta lagu hubinayo badbaadada maraakiibta ku sugan Gacanka Hormuz ayaa dib loo dhigay, sida ay weriyeen qaar kamid ah warbaahinta caalamku.
15-ka xubnood ee golaha ayaa lagu wadaa inay u codeeyaan qaraar ka yimid Baxrayn oo loogu talagalay in lagu ilaaliyo maraakiibta ganacsiga ee ku sugan marin biyoodka muhiimka ah, kaas oo inta badan qaada qiyaastii shan meelood meel sahayda saliidda iyo gaaska dabiiciga ah ee adduunka.
Wakaaladaha wararka ee Associated Press iyo Reuters ayaa sheegay in qaraar qabyo ah oo uu ku jiro qoraal u oggolaanaya waddamada “inay isticmaalaan dhammaan hababka difaaca ee lagama maarmaanka ah” si ay u ilaaliyaan maraakiibta ganacsiga.
Soo jeedinta waxaa loo arkaa mid aan macquul ahayn in la meel mariyo, maadaama Shiinaha, oo ah xubin joogto ah oo ka tirsan golaha, uu si cad u sheegay inuu ka soo horjeedo qaraar kasta oo sheegaya isticmaalka awood ciidan.




