Golaha Ammaanka oo kulan ka yeelanaya gardarrooyinka Isreal ee Bariga Dhexe.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa qaban doona kulan degdeg ah si ay uga doodaan weerarkii…

10 September, 2025

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa qaban doona kulan degdeg ah si ay uga doodaan weerarkii Isreal ku qaadday dhisme ay deggan yihiin hoggaamiyayaasha Xamaas oo ku yaalla magaalada Dooxa.

Sida laga soo xigtay ilo dublamaasiyadeed oo Qaramada Midoobay ka tirsan, xubnaha golaha ayaa la filayaa in Arbacada ay warbixin ka helaan madaxda sare ee Qaramada Midoobay oo ku saabsan xaaladihii ugu dambeeyay iyo halista ay Israel ku hayso dalalka Bariga Dhexe.

Kulankaan aan caadiga ahayn ee golaha ammaanka Qaramada Midoobey ayaa waxaa dabada ka riixaya dalalka Aljeeriya iyo Pakistan oo doonaya in caalamku cadaadis saaro maamulka Yuhuudda.

Horay ayaa xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres u cambaareeyay weerarka Israel ay ku qaadday Qatar, isagoo ku tilmaamay “xadgudub bareer ah oo ka dhan ah madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Qatar”.