Golaha ammaanka oo taageeray Midnimada Somalia.

30 December, 2025

Xubnaha golaha ammaanka Qarada Midoobey ayaa taageero buuxda u muujiyey midnimada dadeed, dhuleed iyo siyaasadeed ee…

Xubnaha golaha ammaanka Qarada Midoobey ayaa taageero buuxda u muujiyey midnimada dadeed, dhuleed iyo siyaasadeed ee Soomaaliya, maalmo uun ka badan markii Israa’iil dowlad madax-banaan u aqoonsatay maamulka Somaliland ee Jamhuuriyadda Somalia.

Dood kulul oo ay yeesheen ayaa xubnaha golaha ammaanka intooda badan oo ay kujiraan dalalka saamaynta kuleh siyaasadda caalamku muujiyeen taageeradooda midnimada Soomaaliya.

Safiirka ku xigeenka Maraykanka ee Qaramada Midoobay, Tammy Bruce ayaa sheegtay in siyaasadda Maraykanka ee ku aadan Soomaaliya aysan waxba iska badalin.

Safiirka ayaa intaasi ku dartay in Isra’il ay xaq u leedahay inay xiriir la samaysato ciddii ay doonto, “in Israa’iil ay xaq u leedahay in ay samaysato xiriiro diblumaasiyadeed, sida waddan walba oo madaxbanaan uu xaq ugu leeyahay oo kale”.

Docdiisa safiirka Ingiriiska ayaa xaqiijiyey in dalkiisu uu xaqiijinayo taageeradiisa midnimada, madaxbanaanida dhuleed iyo siyaasadeed ee Soomaaliweyn, sida uu hadalka u dhigay.

Soomaaliya oo kulankaan ku matalaysay wadamada Algeria, Guyana iyo Sierra Leone, ayaa si adag u cambaareysay tallabada ay Israa’iil ku aqoonsatay Somaliland, iyada oo ku tilmaanatay “xadgudubka aan loo meel dayin” ee Israa”iil kula kacday midnimada iyo madaxbanaanida dhulkooda”.

“Tallaabo kasta oo ku aadan aqoonsiga Somaliland waa waxba kama jiraan, Tallaabo kasta oo ku aadan aqoonsiga Somaliland waa waxba kama jiraan”, Ayuu yiri danjire Abuukar Baalle oo Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay.

Wakiilka Jabuuti ee Qaramada Midoobey ayaa shaaca ka qaaday in go’aanka maamulka Yuhuuddu qaaday uu ahaa mid mas’uuliyad darro xooggani ka muuqato aanna loo baahnayn xilligaan sida uu hadalka u dhigay.

“Go’aankan wuxuu si toos ah ugu xadgudbayaa xeerarka caalamiga ah ee la aqoonsan yahay iyo mabaadi’da sharciga, Go’aanka mas’uuliyad-darro ee Israa’iil ayaa si si bareer ah u jebinaya Axdiga Qaramada Midoobay, si islawayni ahna u caqabadaynaya awoodda Golaha, isla markaana khatar gelinaya tiirarka nidaamka sharciga caalamiga ah,” ayuu yiri ergeyga Djibouti.

Danjiraha Turkiga ayaa ku tilmaamay tallaabada Israa’iil mid khatar toosa ah oo ku wajahan xubin ka tirsan Jaamacadda Carabta iyo guud ahaanba nabadgelyada Qaaradda Africa.

“Waxay xasillooni-darro ka abuureysaa Geeska Afrika, isla markaana si weyn u wiiqaan amniga gobolka ee isku xiran ee Carabta iyo Afrika, Ku dhawaaqista Israa’iil waa tusaale kale oo ka mid ah falalka sharci-darrada ah ee xukuumadda Netanyahu ee lagu doonayo in lagu abuuro xasillooni-darro, heer gobol iyo heer caalami labadaba”.

Dhanka kalena, ergeyga kormeeraha Joogtada ah ee Jaamacadda Dowladaha Carabta oo goobta ka hadlay ayaa ku eedeeyay Israa’iil “in go’aankaan ay uga gol leedahay sidii ay u barakicin leheed Falastiiniyiinta ku dhaqan Gaza”.

“Israa’iil waxay doonaysaa inay arrintan u adeegsato marmarsiiyo si ay si sharci-darro ah ugu joogto dhulka Soomaaliyeed, iyadoo ku hormarinaysa ajandayaal siyaasadeed, amni iyo dhaqaale oo si fiican loo garanayo, kuwaas oo aan la aqbali karin lana cambaareeyay.”