Ilo wareedyo diblumaasiyadeed ayaa wakaaladda wararka ee AFP u xaqiijiyay in Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay…

Ilo wareedyo diblumaasiyadeed ayaa wakaaladda wararka ee AFP u xaqiijiyay in Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu Isniinta yeelan doono shir degdeg ah oo looga hadlayo ballaarinta duullaanka Israel ee Lubnaan. Kulanka ayaa la filayaa in xubnaha Golaha Ammaanka ay kaga doodaan saameynta amni iyo midda bani’aadannimo ee ka dhalatay dagaalka sii fidaya.
Beesha caalamka ayaa walaac xooggan ka muujinaysaxaaladda Lubnaan, iyadoo ay jirto cabsi ah in colaadda hadda taagan ay ku faafto dalal kale oo Bariga Dhexe ah, xilli la soo jeedinayo xabbad-joojin degdeg ah iyo in dhinacyada dagaallamaya ay dib ugu laabtaan wada-hadallo siyaasadeed.
Dhanka kalena, Madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron, ayaa si adag uga hadlay xaaladda sii xumaanaysa ee koonfurta Lubnaan, isagoo sheegay in “aysan jirin wax cudurdaar ah oo lagu qiilayn karo” ballaarinta hawlgallada militari ee Israel. Hadalkan ayaa yimid kadib markii ciidamada Israel ay la wareegeen qalcadda taariikhiga ah ee Beaufort Castle isla markaana ay u gudbeen dhanka woqooyi ee Webiga Litani, arrin markii ugu horreysay dhacday tan iyo dagaalkii Israel iyo Hezbollah ee sanadkii 2006.
Qabsashada Beaufort Castle iyo dhaq-dhaqaaqyada cusub ee ciidamada Israel ayaa sare u qaaday walaaca laga qabo in dagaalku uu yeesho weji cusub oo ka sii khatar badan kii hore. Dowladda Faransiiska ayaa ku baaqday in la ilaaliyo madaxbannaanida Lubnaan isla markaana la joojiyo tallaabooyinka sii hurin kara colaadda gobolka.



