Golaha cuqaasha KHATUMO oo lagaga dhawaaqay Magaalada Laascaanood.

15 July, 2025

Magaalada Laascaanood ee xarunta maamulka KHATUMO waxaa maalinkii 2aad oo xiriir ah baaqday shirka dhammaystirka dhismaha…

Magaalada Laascaanood ee xarunta maamulka KHATUMO waxaa maalinkii 2aad oo xiriir ah baaqday shirka dhammaystirka dhismaha maamul ay gar-wadeen ka tahay DFS.

Shirkaan oo furmay Axaddii la soo dhaafay ayaa shalay iyo maanta u baaqday isjiid jiid ka dhashay hanaanka loo soo xulayo golaha cuqaasha SSC oo soo xuli doona ergooyinka rasmiga ah ee shirka

Dhinacyada saamaynta kuleh shirka ayaa ku guulaystay in la soo dhiso guddi ka kooban 15 xubnood oo 8 kamid ah ka imaan doonto KHATUMO halka 7 xubnood ee kalena ka imaan doonto MAAKHIR, sida qoraalka lagu sheegay.