Guddoomiyaha Gollaha deegaanka ahna duqa degmada Bosaaso Dr Cabdiraxmaan Cabdullaahi Cali oo uu weheliyo Guddoomiye Ku-xigeenka…

Guddoomiyaha Gollaha deegaanka ahna duqa degmada Bosaaso Dr Cabdiraxmaan Cabdullaahi Cali oo uu weheliyo Guddoomiye Ku-xigeenka Degmada Bashiir Faarax ayaa gudoomiyey fadhiga 4aad ee Kal-fadhiga 36aad ee gollaha deegaanka degmada Bosaaso oo ay maanta horyimaadeen Taliyayaasha Saldhigyada Bosaaso, kaas oo ahaa mid isla xisaabtan ah oo Xildhibaanada gollaha deegaanku ay su’aalo ku waydiiyeen Taliyayaasha Saldhigyada loogana wada hadlay xaalada guud ee amaanka magalada Bosaaso iyo sidii xal buuxa loogu heli lahaa caqabadaha jira.
Kulankan isla xisaabtanka ah ayaa noqonaya midkii ugu horeeyey ee gollaha deegaanka iyo Taliyaasha saldhigyada magalada isaga oo si wayn la isula gorfeeyey xaalada amni Bosaaso,xal u helista ciyaal weerada ka jira xaafadaha qaar iyo arimo kale, Taliyayaasha Saldhigyada ayaana ka jawaabay su’aalihii ay waydiiyen Xildhibaanada iyaga oo sidoo kale soo bandhigay caqabadaha haysta.
Ugu danbayna Gudoomiyaha degmada Dr Cabdiraxmaan Cabdullaahi Cali jinac ayaa u mahadceliyey Taliyayaasha Saldhigyada sida ay markasta heegan ugu yihiin ilaalinta nabadgelyada isaga oo amray in la dardargeliyo shaqada amni ee degmada, ka maamul ahaana ay qaadan doonan doorka kaga aadan isla markaana la daadejin doono shaqada cidkastana lagula xisaabtami doono doorka ay ku leedahay.



