Golaha deegaanka degmada Carmo ee gobolka Bari ayaa soo doortay guddoon cusub, kadib markii uu dhowaan…

Golaha deegaanka degmada Carmo ee gobolka Bari ayaa soo doortay guddoon cusub, kadib markii uu dhowaan xilka iska casiley xafiiskana banneeyey duqii hore ee degmadaasi.
Doorasho gacan taag ah oo ay goob joog ka ahaayeen Mas’uuliyiin katirsan wasaaradda arrimaha gudaha xukuumadda Puntland ayaa Gudoomiyaha Degmada Carmo loogu doortay Maxamed Geelle Saciid.
Guddiga doorashada heer degmo ayaa shaaciyey in 27 xubnood oo golaha deegaanku ka kooban yihiin ay codka si aqlibiyad leh u siiyeen Maxamed Geelle Siciid oo ugu dambayn xafiiska loo dhaariyey.
Duqii hore ee degmada Carmo oo ku soo baxay doorasho dadweyne ayaa xilka iska casiley isagoo u sababeeyey inuu shaqadiisii ka gudan waayey xildhibaano dhalinyaro ah oo doonaya inay xafiiska dhaqaale ka helaan sida uu hadalka u dhigay.