Golaha Mustaqbalka iyo barlamaanka mucaaradka oo ka hadlay waxka-beddelka dastuurka.

4 March, 2026

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed iyo xubnaha la baxay barlamaanka xortaha ah ee Somalia ayaa ka hadlay tallaabadii…

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed iyo xubnaha la baxay barlamaanka xortaha ah ee Somalia ayaa ka hadlay tallaabadii ay xildhibaanada labada aqal ee barlamaanku ku meel mariyeen waxka beddelka dastuurkii kumeel gaarka ahaa ee Somalia.

Xubnaha barlmaanka xortaha ah ee dalka oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa sharci darro ku tilmaamay meelmarinta waxka-beddelka dastuurka, waxayna sheegeen inay goobta ka maqnaayeen xildhibaanadii mataalada maamulada dalka oo qaar la sheegay inay Online ku codeeyeen.

Dhanka kalena, bayaan ka soo baxay golaha mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay inuusan dhaqangal ahayn anisixinta dastuurka ayna aqoonsan yihiin dastuurkii kumeel gaarka ahaa ee lagu heshiiyey 2012.