Shorka Madaxda dowladda federalka ah ee Somalia iyo golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa markii 2aad ka furmay…

Shorka Madaxda dowladda federalka ah ee Somalia iyo golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa markii 2aad ka furmay Magaalada Muqdisho gaar ahaan aqalka Madaxtooyada.
Waxaa weli taagan kala aragti duwanaansho weyn oo ku saabsan hannaanka doorashada loo wajahayo oo ay aad ugu kala durugsan yihiin madaxda dowladda iyo dhinacyada mucaaradka ee golaha Mustaqbalka ku midaysan.
Golaha ayaa sheegay inay doonayaan doorashooyin Dadban oo ka metelaad badan kuwii hore ka hor bisha Maay, waxayna meesha ka saareen in ay ku kala qaybsan yihiin arrin taasi, lana qabto doorashooyinka KGS, Galmudug & Hirshabeelle oo muddo xileedkoodu dhammaaday.
DFS ayaa weli ku foogan waxka-beddelka Dastuurka JFS, aan waxba ka beddelin mawqifkeedii ku aaddanaa qabashada doorashooyin toos ah oo ka qabsooma guud ahaan dalka Somalia.




