Xubnaha golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ee ku sugan Magaalada Muqdisho qeybgalay shirweynaha Difaaca Dastuurka Soomaaliya oo uu…

Xubnaha golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ee ku sugan Magaalada Muqdisho qeybgalay shirweynaha Difaaca Dastuurka Soomaaliya oo uu oo goluhu la qaatay bulshada rayidka ah ee gobolka Banaadir.
Kulanka ayaa lagu soo bandhigay caqabadaha ku gadaaman waxka-beddelka dastuurka kumeel gaarka ah ee Somalia, qorshaha dowladda federalka ah ee Somalia ka leedahay iyo aragtida golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed.
Madaxweynaha Puntland ayaa madasha la wadaagay in Dastuurkii 2012 uu yahay kan keliya ee heshiiska lagu yahay, wax-ka-bedel kasta oo lagu sameeyo oo aan heshiis lagu aheyna uu yahay waxba kama jiraan. Isagoo markale uga digey Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud wax-ka-bedelka aan sharciga aheyn ee uu ku bedelayo Dastuurkii heshiiska lagu ahaa.






