Golaha Mustaqbalka oo dalbaday in Somalia lagu celiyo hanaankii kumeel gaarka.

Golaha Mustaqbalka Soomaaliya (Somali Future Council), oo ay ku mideysan yihiin madax hore, madaxda Puntland iyo…

27 July, 2026

Golaha Mustaqbalka Soomaaliya (Somali Future Council), oo ay ku mideysan yihiin madax hore, madaxda Puntland iyo Jubbaland, iyo siyaasiyiin mucaarad ah, ayaa warqad furan u diray madaxda dalalka ciidamada iyo booliiska ku leh howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM. Warqadda oo ku taariikhaysan 27-ka July 2026 ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ay ku jirto marxalad siyaasadeed oo halis ah, isla markaana loo baahan yahay xal siyaasadeed oo loo dhan yahay ka hor inta aan la sii wadin qorshayaasha amniga.

Goluhu wuxuu ku dooday in muddadii dastuuriga ahayd ee Madaxweynaha Federaalka ay dhammaatay 15-ka May 2026, halka muddadii Baarlamaankuna ay dhacday 14-ka April 2026. Sida ku cad warqadda, arrintan ayaa sababtay in dowladda federaalku lumiso sharciyaddii siyaasadeed, iyadoo aan weli la gaarin heshiis qeexaya sida loo maareynayo marxaladda kala guurka iyo hannaanka dowladnimada.

Warqaddu waxay sidoo kale sheegtay in khilaafka u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo dowlad-goboleedyada, gaar ahaan Puntland iyo Jubbaland, uu wiiqay dagaalka lagula jiro Al-Shabaab iyo Daacish. Golaha Mustaqbalka wuxuu ku eedeeyay dowladda federaalka inay garab istaag iyo taageero ka weecisay ciidamada safka hore kula jira kooxaha hubeysan, taasoo ay sheegeen inay dhaawacayso dadaallada lagu sugayo amniga dalka.

Ugu dambeyn, Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ayaa ugu baaqay Beesha Caalamka iyo dalalka taageera howlgalka AUSSOM in taageeradooda lagu xiro heshiis siyaasadeed oo dhammaystiran. Waxay soo jeediyeen in la dhiso Gole Kumeel-gaar ah (Transitional Council) oo si wadajir ah u kormeera marxaladda kala guurka, dib u soo celiya kalsoonida siyaasadeed, isla markaana diyaariya hannaan loo dhan yahay oo horseeda doorasho iyo hay’ado qaran oo sharciyad buuxda leh.