Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa ayaa bilaalay sidii ay ku dejin lahaayeen qorshe doorasho oo ka duwan…

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa ayaa bilaalay sidii ay ku dejin lahaayeen qorshe doorasho oo ka duwan muddii 2022 iyo doonista Madaxtooyada Somalia oo ah doorashooyin toos ah oo aan dhinacyadu heshiis ku ahayn.
Ilo xogagaal ah ayaa warbaahintay u sheegay inay GMS miiska u saaran tahay kordhinta magaalooyinka doorashada laga qabanayo 4 ilaa 5 magaalo maamul goboleed kasta, kordhinta tirada ergada u codaynaysa xildhibaanka oo la gaarsiiyo 300 ilaa 500 oo ergo iyo in ergooyin isku-dhafan oo beelo kala duwan ah ay u codeeyaan kuraas kala duwan.
Wakiilada Beesha caalamka ayaa ugu yeeray dhammaan dhinacyada siyaasadda Somalia inay gaaraan heshiis iyo dhabbe doorasho oo laysku waafaqsan yahay xilli ay Villa Somalia fidisey gogol wada-hadal ka hor 15-ka Maay.
Dhammaan dhinacyada ayaa doonaya qorshe ka duwan middii hore, waxaana siweyn loo hadal hayaa in go’aanka ugu dambeeya uu noqdo xulashada odayaasha dhaqanka haddii aysan siyaasiyiintu heshiis kale gaarin.



