Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, oo ay ku mideysan yihiin Puntland, Jubaland iyo xubno ka tirsan Madasha Samatabixinta,…

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, oo ay ku mideysan yihiin Puntland, Jubaland iyo xubno ka tirsan Madasha Samatabixinta, ayaa sheegay in madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu yahay mucaaradka kaliya ee dhankooda ka madax-bannaan.
Wasiir hore, Maxamed Cabdiraxmaan Dhabanad oo ka tirsan guddiga farsamada Golaha Mustaqbalka ayaa sheegay in xubno hore uga tirsanaa Golaha Samatabixinta, balse hadda ka qayb gala shirarka beesha caalamka iyo dowladda looga hadlayo arrimaha doorashooyinka, aysan Golaha Mustaqbalka u aqoonsanayn mucaarad rasmi ah, iyagoo ku eedeeyay inay xiriir dhow la leeyihiin Villa Soomaaliya.
Dhanka kalena, Dhabancad ayaa sheegay in goluhu sii wadi doono dadaallada uu ku doonayo inuu saameyn ku yeesho jihada siyaasadeed iyo arrimaha doorashooyinka Soomaaliya. Golaha waxaa guddigiisa farsamada ka mid ah Dhabanad iyo xubno kale oo ka kala socda Puntland, Jubaland iyo Madasha Samatabixinta.




