Golaha Mustaqbalka oo war ka soo saaray wada-hadalladii dhexmaray Dowladda Federaalka ayaa sheegey in wadalladu ku…

Golaha Mustaqbalka oo war ka soo saaray wada-hadalladii dhexmaray Dowladda Federaalka ayaa sheegey in wadalladu ku socdaan jawi isfaham ayna sii soconayaan si loo gaadho heshiis-siyaasadeed; iyaga oo ammaanay doorka dhexdhexaadnimo ee Dowladda Turkiga.
Warmurtiyeedkan ku soo baxay magaca ‘Golaha Mustaqbalka’ ayaa imanaya, iyada oo shalay aysan kulan kaas xaadirin Puntland & Jubbaland oo hoos u sheegey; in ay saluugsan yihiin dhexdhexaadinta Ankara, haatan se Golaha ayaa si kor ah ugu mahadceliyey Turkiga.
Wada-hadallada DFS iyo Mucaaridka oo kala ah Golaha Mustaqbalka, Farmaajo iyo Villa Somalia ayaa mar kale qabsoomaya berri, iyada oo kolkan ay dhexjoogayaan dalalka Galbeedka.




