Golaha Mustaqbalka oo ku dhawaaqay nooca doorasho ee ay doonayaan.

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa ku dhawaaqay inuu ansixiyey hannaan doorasho toos ah oo xilliga kala guurka…

20 June, 2026

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa ku dhawaaqay inuu ansixiyey hannaan doorasho toos ah oo xilliga kala guurka ah (Transitional Direct Elections Model), kaas oo ay sheegeen inuu yahay waddo lagu xallin karo khilaafka siyaasadeed ee hareeyey arrimaha doorashooyinka dalka.

War-saxaafadeed uu goluhu soo saaray ayaa lagu sheegay in hannaankan cusub uu ujeeddadiisu tahay in dalka looga gudbo cakirnaanta siyaasadeed, isla markaana la helo doorasho loo dhan yahay oo heshiis lagu yahay, lehna sharciyad iyo kalsooni siyaasadeed. Golaha ayaa xusay in go’aankan uu salka ku hayo tanaasul siyaasadeed iyo tixgelinta rabitaanka shacabka Soomaaliyeed ee doonaya in xal degdeg ah laga gaaro muranka doorashooyinka.

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa sheegay in qaabka ay soo jeediyeen uu isku dheelli tirayo xaqa muwaadiniinta Soomaaliyeed u leeyihiin inay si toos ah u doortaan wakiilladooda iyo ilaalinta hab-qaybsiga awoodda siyaasadeed ee ku dhisan nidaamka 4.5, kaas oo muddo dheer saldhig u ahaa matalaadda siyaasadeed ee dalka.

Dhanka kale, goluhu wuxuu ugu baaqay dhinacyada siyaasadda inay joojiyaan doorashooyinka ay ku tilmaameen kuwa hal dhinac ah ee natiijadooda hore loo sii qorsheeyey. Waxay sidoo kale carrabka ku adkeeyeen muhiimadda ay leedahay in la abuuro jawi wada-hadal oo horseedi kara heshiis siyaasadeed oo ku saabsan hannaanka doorashada iyo maareynta marxaladda kala guurka.

Golaha ayaa ugu dambayn sheegay inuu si rasmi ah u soo bandhigi doono faahfaahinta, mabaadi’da hagaysa iyo habraacyada lagu fulinayo hannaanka doorashada tooska ah marka la bilaabo wada-hadallada siyaasadeed ee lagu xallinayo khilaafaadka doorashooyinka. Qoraalkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay weli taagan tahay doodda ku saabsan nooca doorasho ee dalka ka dhici doonta iyo sida lagu gaari karo hannaan ay ku wada qanacsan yihiin dhinacyada siyaasadda Soomaaliya.