Dhammaan xubnaha golaha mustaqbalka Soomaaliyeed ee ku sugan xayndaabka Xalane ayaa waxaa u bilowday kulamo xasaasi…

Dhammaan xubnaha golaha mustaqbalka Soomaaliyeed ee ku sugan xayndaabka Xalane ayaa waxaa u bilowday kulamo xasaasi ah oo ay kaga arrinsanayaan xaaladda dalka, arrimaha doorashooyinka iyo khilaafyada taagan.
Shirka galabta furmay waxaa ka qaybgalay Madaxda Puntland iyo Jubbaland, Madaxweyne hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Ra’iisul Wasaarayaal hore, xubno katirsan xildhibaanada labada aqal, siyaasiyiin mucaarad ah iyo shaqsiyaad kale oo xubno ka ah golaha.
Kulanka ayaa siweyn diiradda loogu saaray is-xog-wareysi ku saabsan ujeeddada safarka wafuudda ku sugan Muqdisho, xaaladda siyaasadeed ee ka jirta caasimadda iyo ajandayaasha hortabinta u leh golaha xilli uu maanta Muqdisho ku soo laabtay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Madaxweynaha Somalia ayaa loogu yeeray inuu yimaado miiska wada-xaajoodka inkastoo khilaaf weli ka taagan yahay madasha la dhigayo gogosha kadib markii madaxda Puntland iyo Jubbaland ka biyo diideen tegitaanka aqalka madaxtooyada dalka ee Villa Somalia.




