3 April, 2026
Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo ay ku midaysan yihiin maamulada Puntland, Jubbaland & Mucaaridka Muqdisho ayaa ka…

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo ay ku midaysan yihiin maamulada Puntland, Jubbaland & Mucaaridka Muqdisho ayaa ka soo horjeestey Hoggaamiyaha Dowladda Federaalku u dirtay Maamulka Koonfur Galbeed Somalia.
Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa tallaabada dowladda Somalia hoggaamiyaha kumeel gaarka ah ugu magacawday Koonfur Galbeed ku tilmaantay kelitalisnimo & burburin nidaamka federaalka ah.
Golaha ayaa dhammaan bulshada deegaamada Maamulka Koonfur Galbeed u soo jeediyey in ay qabsadaan doorasho loo dhan yahay oo aysan faragelin dowladda federalka ah ee Somalia.




