Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ayaa yeelanaya dhawaan kulan ay uga hadlayaan godgodaanka siyaasadda dalka ee hadda jirta,…

Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ayaa yeelanaya dhawaan kulan ay uga hadlayaan godgodaanka siyaasadda dalka ee hadda jirta, waxayna wada hadaladooda hordhac u yihiin kulan la qorsheynaya in bartamaha bishan uu gudaha dalka ka dhaco, kaas oo looga hadlayo nooca dawladnimada ilaa doorashooyinka, xili mudo xileedka baarlamaanka 11aad uu gabaabsi yahay.
Xubnaha ku middaysan golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaan weli mowqif midaysan ka qaadan sida loo maareynayo marxaladda kala guurka iyo wajihida mashruucyada madaxtooyada Soomaaliya ee doonista doorashooyin Toos ah.
Qaar kamid ah xubnaha ugu tunka weyn golaha ayaa muddooyinkii dambe ku sugnaa caasumadaha dalalka deriska la ah Soomaaliya, iyagoo halkaas kula lahaa wada hadalo ay ku gorfeynayaan taaganta, iyadoo timaadada hadda ka hadalkeda uu yar-yahay.
Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo ay ku midaysan yihiin Madaxda Maamulada Jubbaland, Puntland & Madasha Samatabixinta ee Muqdisho ayaa horay ugu guuldarraystay inay heshiis arrimaha doorashooyinka kala gaaraan dowladda federalka ah ee Somalia.



