Golaha Mustaqbalka oo shuruud ku xiray shir uu gogoshiisa dhigay MW Xasan Sheekh.

5 May, 2026

Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ayaa shuruud adag ku xidhay ka qaybgalka gogosha wada-hadal ee uu dhawaan dhigay…

Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ayaa shuruud adag ku xidhay ka qaybgalka gogosha wada-hadal ee uu dhawaan dhigay Madaxweynaha dowladda federalka ah ee Somalia Xasan Sheekh Maxamuud.

“Wada-hadal diyaar baan u nahay, haddii Madaxweynuhu joojiyo doorashada halka dhinac ah , lana helo dhexdhexaadiyayaal”, Ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed.

HOOS KA AKHRISO

Goluhu wuxuu caddeynayaa inuu hore si niyad-sami iyo daacadnimo leh uga qayb qaatay wadahadallada, xilli uu Madaxweynuhu ku barbar waday tallaabooyin uu si sharci-darro ah ugu beddelayey dastuurka dalka. Waxaa intaa dheer in casuumaaddu uu hataan fidiyey uu maalinkii ka dib dhawaaqay jadwalka doorasho hal dhinac ah, welina ay sii socoto barakicintii dadka, xarigii dhalinyarada, taas oo caddeyn u ah in casuumaaddu aysan qoraal dhaafsiisnayn, welina uusan diyaar u ahayn wadahadal dhab ah.

Goluhu wuxuu mar kale adkeynayaa sida ay uga go’an tahay ka-qaybgal wadahadal dhab ah oo heshiis qaran looga gaarayo doorashooyinka dalka, hayeeshee wuxuu aaminsan yahay in wadahadal dhab ahi uusan suuragal noqon karin iyadoo ay barbar socdaan tallaabooyin lid ku ah wada-xajoodka iyo is-afgaradka.

Haddaba, Goluhu wuxuu caddeynayaa inuu diyaar u yahay wadahadal, haddii uu Madaxweynuhu qaado tallaabooyinkan soo socda:

  1. In uu muujiyo daacadnimo dhab ah oo ku aaddan wadahadallka, joojiyana tallaabooyinka doorasho ee hal dhinac ah ee natiijadooda la sii og yahay, balse qof iyo cod ku magacaaban.
  2. In la helo hannaan dhexdhexaadin madax-bannaan oo la isku raacsan yahay.