Golaha Mustaqbalka oo si adag uga jawaabey hanjabaaddii Wasiir Fiqi.

21 May, 2026

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa bayaan ay soo saareen si adag ugaga jawaabey hadal uu shalay jeediyey…

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa bayaan ay soo saareen si adag ugaga jawaabey hadal uu shalay jeediyey wasiirka gaashaandhigga xukuumadda Federalka ah ee Somalia Axmed Macalin Fiqi, oo sheegay inay mucaaradka ka takhalusi doonaan.

Qoraal ka soo baxay golaha Mustaqbalka ayaa lagu sheegay in hadalka Fiqi uu yahay hanjabaad uu ka dambeeyo Xasan Sheekh Maxamuud, uusanna ahayn hadal siyaasadeed oo u hiilinaya dowladnimada Soomaaliyeed iyo dedaalada socda.

“Hanjabaadaha dagaal ee uu wasiirka gaashaandhigga xukuumadda xil-gaarsiinta Axmed Macalin Fiqi ujeediyey goluhu uma arko hadal siyaasadeed laakiin waxaa kula socda oo uu ku matalaa Xasan Sheekh oo muddooyinkaan ku hawlanaa abaabul ciidan & cabburin shacab”, Ayaa lagu yiri bayaanka Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed.