Golaha Mustaqbalka Soomaaliya oo ay ku mideysan yihiin Jubbaland, Puntland & Madasha Samatabixinta Muqdisho ayaa soo…

Golaha Mustaqbalka Soomaaliya oo ay ku mideysan yihiin Jubbaland, Puntland & Madasha Samatabixinta Muqdisho ayaa soo dhaweeyey Talaabada uu qaatay madaxweynaha Koonfur Galbeed, waxayna sheegeen in goluhu taageerayo in ay Koomfur Galbeed qabato doorasho xor iyo xalaal ah loo dhan yahay.
Golaha ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh uga digey ficiladiisa ku wajahan in ciidanka xoogga dalka siyaasad loo adeegsado, danihiisana uu ka shaqeynayo, taas oo ay sheegeen in ay Soomaaliya dhaawac weyn ku tahay.
Ugu dambaynyiina Galmudug & Hirshabeelle ayaa loogu baaqay in ay si deg deg ah u galaan doorashooyin lagu dhaqmayo dastuurkii 2012kii, hufan loo dhan yahay, xor iyo xalaal ah & xeerarka heer dawlad gobaleed, taasna ay Soomaaliya Badbaado u tahay.





