Golaha Mustaqbalka oo taageeraya Lafta-gareen & DFS oo joojisay duulimaadyadii Baydhabo.

17 March, 2026

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa taageeraya Madaxweyne Laftagareen oo maanta maamulkiisu ku dhawaaqay inuu xiriirka u jaray…

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa taageeraya Madaxweyne Laftagareen oo maanta maamulkiisu ku dhawaaqay inuu xiriirka u jaray DFS, iyadoo la qorshaynayo inuu dhawaan Baydhabo kaga dhawaaqo hirgelinta doorashada barlamaanka iyo madaxtinimada Koonfur Galbeed.

Golaha ayaa doonaya in Lafta-gareen qaato baaqoodii ku aadanaa hirgelinta doorasho dadban oo lagu soo dooranayo barlamaanka iyo madaxda ugu sarraysa dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Somalia.

DFS oo qorshaysay doorashooyin toos ah ka dib dhammaystirka Dastuurka ayaa hadda geleysa weji kale maadaama oo uu soo gaabtay safkeeda oo Puntland, Jubbaland & Koonfurgalbeed aysan haysan, lana filan karo Galmudug oo raacda maadaama aysan weli soo dhoweyn dhammaystirka Dastuurka JFS.

Dhanka kalena, DFS ayaa joojisay duulimaadyadii tegi jirey Magaalada Baydhabo, xilli uu dalka ka maqan yahay Madaxweyne Lafta-gareen oo weli la baadi goobayo halka uu ku sugan yahay si looga hortago inuu ku laabto Magaalada Baydhabo.