Golaha Mustaqbalka oo war ka soo saaray fashilka shirkii Xalane.

15 May, 2026

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa bayaan ay soo saareen ku sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo…

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa bayaan ay soo saareen ku sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo muddo xileedkiisii dhammaaday uu fashiliyey wada-xaajoodyadii ka socdey Xalane.

Golaha ayaa sheegay inuu dhammaaday muddo xileedkii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud isla markaana xukuumaddu ay leedahay fulin xaddidan, iyagoo ku baaqay gogol dalka lagu badbaadinayo.

“Wada-hadalladii waxa fashiliyey Madaxweyne hore Xasan, waa in xukuumaddi ku ekaato fulin xakamaysan, waxaana qabanaynaa gogol dalka lagu badbaadinayo”, Ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay golaha Mustaqbalka.