Golaha Mustaqbalka Somalia iyo beesha caalamka oo ku shiray Nairobi.

24 January, 2026

Golaha mustaqbalka Soomaaliyeed oo ay ku midoobeen maamulada Puntland, Jubbaland, madasha wadatashiga qaran, xildhibaano katirsan barlamaanka…

Golaha mustaqbalka Soomaaliyeed oo ay ku midoobeen maamulada Puntland, Jubbaland, madasha wadatashiga qaran, xildhibaano katirsan barlamaanka Somalia & siyaasiyiin madax-banaan ayaa Nairobi kulan kula qaatay wakiilo ka socda beesha caalamka.

Xubnaha wakiilada beesha caalamka ee ka qaybgalay shirka ayaa waxaa kamid ahaa Safiirada Qaramada Midoobey, Midowga Europe, UK, USA iyo diblumaasiyiin daneeya arrimaha siyaasadeed ee Somalia.

Muddadii uu socdey kulanka ayaa looga arrinsaday xaaladda Soomaaliya gaar ahaan marxalada xasaasiga ah ee Siyaasadeed ee dalku marayo, iyo sidii xal deg deg ah looga gaari lahaa Dastuurka iyo arrimaha Doorashooyinka.

Kulamadaan ayaa ku soo beegmaya xilli ay dowladda federalka ah ee Somalia qorshaynayso shir weyne looga arrinsayo xaaladda dalka, inkastoo golaha wadatashiga qaran ku xireen shuruudo dhawr qodob ka kooban.