Xubnaha golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa qorshaynaya inay soo saaraan go’aamo ku aadan wahadaladii Villa Somalia Somalia…

Xubnaha golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa qorshaynaya inay soo saaraan go’aamo ku aadan wahadaladii Villa Somalia Somalia iyo arrimaha doorashooyinka ee muranku ka taagan yahay, kadib markii uu fashil ku soo dhammaaday kulan ay shalay la yeesheen madaxda dowladda federalka ah ee Somalia.
Kulamada maanta la qorsheeyey ayaa yimid kadib markii ay fashil ku soo dhammaadeen kulamadii ugu dambeeyey ee dowladda iyo GMS laguna kala kacay ajandaha la xiriira doorashada dalka.
Xubnaha GMS ayaa goobta la tegey argti midaysan oo ay ku dalbanayaan in qabashada golayaasha deegaanka kahor heshiis laga gaaro nooca doorasho ee dalku aadayo iyo hirgeligelinta doorashada madaxtinimada maamulada Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Hirshabeelle oo dhammaan muddo dhaaf ah.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ku adkaysanaya dhammaystirka doorashooyinka qof iyo cod ayaa saacadihii la soo dhaafay golaha gaarsiiyey farriino uu kaga dalbanayo inay ka war-sugaan oo aysan soo saarin war-saxaafadeedkooda ku aadan xaalka dalka.




