War-saxaafadeedkan oo ka soo baxay Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa si weyn loogu hambalyeeyey ugu horrayn shacabka…

War-saxaafadeedkan oo ka soo baxay Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa si weyn loogu hambalyeeyey ugu horrayn shacabka Soomaaliyeed loogu hambalyeeyey xuska munaasabadda 1da Luuliyo.
Golaha ayaa si adag u cambaareeyey colaadaha siyaasadeed ee u dhexeeya dowladda federaalka, dowlad-goboleedyada iyo mucaaradka, xilli ay deegaamada qaar ka socdaan dagaalo ka dhan ah Daacish iyo Alshabaab.
Dhanka kalena, golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa ku eedeeyey Madaxda dowladda federalka ah ee Somalia inay ciidankii qaranka u adeegsadeen arrimo siyaasadeed ayna xilligaan duulaan iyo faragelin qaawan ku wadaan deegaamada Maamulka Puntland.
Ugu dambayn, Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed wuxuu ugu baaqay Beesha Caalamka, Midowga Afrika, Qaramada Midoobay, IGAD iyo saaxiibbada Soomaaliya inay si degdeg ah uga qayb qaataan xal u helidda xaaladda siyaasadeed iyo amni ee dalka, isla markaana taageeraan geeddi-socodka dimuqraadiyadda, dastuurka iyo hay’adaha amniga, si looga hortago khataraha sii kordhaya ee argagixisada iyo kala daadashada dowladnimada Soomaaliya.






