Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo ka hadlay xaaladda Magaalada Baydhabo.

5 February, 2026

War-saxaafadeed ka soo baxay golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa walaac xooggan looga muujiyey dagaaladii ka dhacay Magaalada…

War-saxaafadeed ka soo baxay golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa walaac xooggan looga muujiyey dagaaladii ka dhacay Magaalada Baydhabo iyo arrimaha siyaasadeed ee deegaamada Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

AKHRISO

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed wuxuu walaac xoog leh ka muujinayaa dagaalka labada maalin ka socday magaalada Baydhabo, caasimadda ku-meel-gaarka ah ee dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed.

Colaadda waxay halis toos ah ku tahay nolosha muwaadiniinta, waxay burburinaysaa hantida danta guud iyo tan shacabka, waxayna dhaawacaysaa wada-noolaanshaha bulshada, waxayna si weyn u wiiqaysaa kalsoonidii dadweynaha ee hay’adaha dowliga ah.

Xiisaddani waxay kusoo beegmaysaa xilli dalka uu wajahayo abaar ba’an, khatar amni oo ay ka mid tahay argagixiso, iyo hubanti-la’aan siyaasadeed.

Goluhu wuxuu xasuusinayaa in muddadii sharciga ahayd ee maamulka Koonfur Galbeed ay dhammaatay, isla markaana aysan jirin sharciyad lagu cusboonaysiiyay muddo-xileedka. Arrintan waxay maamulka gelisay firaaq sharci, nugul siyaasadeed iyo ku-tirsanaan Villa Soomaaliya.

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed wuxuu aaminsan yahay in jidka keliya ee Koonfur Galbeed uga bixi karto hubanti-la’aanta sharci iyo nuglaanta siyaasadeed ay tahay qabashada doorasho loo dhan yahay, daahfuran, isla markaana lagu heshiiyo.

Waxaa ayadarran ah in dowladda Federaalka ay dayacday mas’uuliyadii dastuuriga ahayd iyo xilkii ka saarnaa ilaalinta nidaamka dowladnimo iyo kala dambeynta sharciga. Waxaa walaaca Golaha sii xoojinaya, aamusnaanta dowladda Federaalka ee ku aaddan dagaalka labada maalin socday, taasoo tilmaam ka bixinaysa jahawareerka dalka ka jira, haddii aan heshiis la gaarin ka hor inta uusan dhammaan muddada xil-wareejinta Baarlamaanka iyo Madaxtooyada.

Soomaaliya kama gudbi karto colaadda, abaarta iyo nuglaanta dowladnimo inta muran siyaasadeed lagu xallinayo is-maquunin. Xaliloonidu waxay ku dhisan tahay sharciyad, wadahadal, iyo ilaalinta nolosha shacabka.