Xubnaha golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa yeelanaya kulan gaar ah oo ay kaga arrinsanayaan xaaladda dalka, arrimaha…

Xubnaha golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa yeelanaya kulan gaar ah oo ay kaga arrinsanayaan xaaladda dalka, arrimaha doorashooyinka iyo waxka-bedelka dastuurka kumeel gaarka ah ee Soomaaliya.
Kulankaan ayey goluhu yeelanayaan kadib markii Madaxweyne Xasan Sheekh aqbalay in la guda-galo doodaha doorashooyinka dalka ka qabsoomi kara, sida ay tilmaameen mas’uuliyiin ka tirsan dhinacyada oo intaasi ku daray oo tixraacaya is-araggii dhinacyada ee shalay.
Madaxda Maamulada Puntland & Jubbaland ayaa u arka in muddada kooban ee hadhay keliya laga gaadhi karo Doorasho Dadban oo la mid ah middii dalka ka dhacday sanadkii 2022 ee lagu doortay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Dhanka kalena, Madaxda dowladda federalka ah ee Somalia ayaa door-bidaya doorashooyin qof & cod ah, inkastoo siyaasiyiinta qaar soo jeedinayaan noocyo doorasho oo ka horumarsan doorashooyinkii horay uga dhacay dalka.



