Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo kulamo kuyeelanaya Muqdisho.

Shirkii Madaxda dowladda federalka ah ee Somalia iyo golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa baaqday maalintii labaad kadib…

21 February, 2026

Shirkii Madaxda dowladda federalka ah ee Somalia iyo golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa baaqday maalintii labaad kadib markii dhinacyadu isku fahmi waayeen ajandayaasha hortebinta leh ee shirka.

Xubnaha golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa maanta yeelan doona kulan siyaasadeed gaar ah oo ay kaga arrinsanayaan qorshohooda ku aadan wadahadalada dowladda federalka ah iyo xaaladda dalka.

Kulanka ayaa diiradda lagu saari doonaan doorashooyinka dowlad goboleedyada iyo heer federal, loo gaari karo hannaan ay ku mideysan yihiin dhinacyada siyaasadda oo lagu wajahayo doorashooyinka 2026.

Dowladda Federaalka ayaa ku adkaysatay hirgelinta nidaamka doorashooyinka qof iyo cod, oo ka bilaabma dowladaha hoose, kuna fida dowlad-goboleedyada, uguna dambayn dowladda dhexe, halka Mucaaradka ay soo jeediyeen in la qabto doorashooyin dadban.

Madaxda dowladda federalka ah ee Soomaaliya iyo xubnaha golaha Mustaqbalka oo isaragoodii ugu horeeyey Khamiistii la soo dhaafay ayaa lafilayaa inay yeeshaan kulamo kale oo looga hadlayo xaaladda siyaasadeed ee dalka.