Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo markale digniin soo saaray.

12 November, 2025

Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa lagu soo gabagabeeyay shir muddo saddex maalmood ah socday oo…

Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa lagu soo gabagabeeyay shir muddo saddex maalmood ah socday oo ay yeesheen masuuliyiin ka tirsan Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed, Dowladda Jubaland iyo Dowladda Puntland. Shirka oo daba socday kulamo hore oo magaaladaas ka dhacay, ayaa diiradda lagu saaray dejinta siyaasadda iyo qorshaha Golaha Mustaqbalka, iyadoo sidoo kale laga hadlay xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan arrimaha amniga, siyaasadda iyo diyaar garowga doorashooyinka hay’adaha Federaalka ee la filayo inay dhacaan sanadka 2026.

Intii uu shirka socday, guddiga farsamada ee Golaha Mustaqbalka ayaa soo bandhigay warbixin hordhac ah oo ku saabsan diyaar garowga shirweynaha Golaha iyo qorshaha shaqo ee horyaalla. Golaha ayaa go’aamiyay in shirweynaha guud ee Golaha Mustaqbalka lagu qabto gudaha Soomaaliya, si waafaqsan jadwalka guddiga farsamada, iyadoo lagu saleeyay xaaladda cakiran ee dalka iyo muhiimadda midnimada siyaasadeed.

War-saxaafadeedka kasoo baxay shirka ayaa lagu xusay in Golaha Mustaqbalka uu ku adkeysanayo ilaalinta dhaqanka dimuqraadiyadda iyo qabsoomidda doorashooyin lagu kalsoonaan karo. Sidoo kale, Golaha ayaa sheegay inuu si buuxda u diidan yahay tallaabo kasta oo horseedi karta muddo kororsi ama wax ka beddel aan dastuurka waafaqsanayn oo lagu sameeyo hay’adaha dowladda Federaalka ee waqtigoodu dhammaanayo.

Golaha Mustaqbalka ayaa sidoo kale si adag uga digay tallaabooyinka lagu sheegay takrifalka awoodda dowladda, xadgudubyada dastuuriga ah, iyo carqaladeynta socdaalka iyo duulimaadyada rayidka. Waxa uu ku baaqay in la dhowro dastuurka ku-meel-gaarka ah iyo hay’adaha amniga si aan dalka loo gelin xaalad khalkhal siyaasadeed ama amni. Golaha ayaa ku eedeeyay madaxda dowladda Federaalka inay qaadeen tallaabooyin khatar gelin kara midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed.

Ugu dambeyntii, Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay adkeeyaan midnimadooda iyo wadajirkooda, islamarkaana ay qayb ka qaataan badbaadinta mustaqbalka dalka. Golaha ayaa hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay in doorashooyinka hay’adaha Federaalka ee soo socda ay noqdaan kuwo daahfuran, heshiis lagu yahay, islamarkaana lagu qabto waqtigooda si loo ilaaliyo xasiloonida iyo hannaanka dowladnimada Soomaaliyeed.