Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo qaadacay waxka-beddelka dastuurka.

9 March, 2026

War-saxaafadeed ay soo saareen Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay inay si cad uga soo horjeedaan…

War-saxaafadeed ay soo saareen Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay inay si cad uga soo horjeedaan isku day kasta oo lagu kordhinayo muddada xilka hay’adaha dowladda, gaar ahaan Baarlamaanka Federaalka iyo Madaxweynaha Soomaaliya, taas oo ka hor imaanaysa Dastuurka Ku-Meel-Gaarka ah ee 2012.

Golaha Mustaqbalka ayaa xusay sida uu qabo dastuurka, muddada xilka Baarlamaanka Federaalka ay ku eg tahay 14 Abriil 2026, halka muddada xilhaynta Madaxweynaha ay ku eg tahay 15 May 2026, ayna ka digayaan firaaq dastuuri ah.