Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed (GMS) ayaa cambaareeyey go’aanka ay mas’uuliyaddarro ku tilmaameen oo Dowladda Federaalka Soomaaliyeed ku…

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed (GMS) ayaa cambaareeyey go’aanka ay mas’uuliyaddarro ku tilmaameen oo Dowladda Federaalka Soomaaliyeed ku celisay duullimaadyadii ka soo kala kicitimay magaalooyinka Kismaayo iyo Garoowe, sida ay wufuud hordhac ahayd oo ka koobnaa masuuliyiin, saxafad, iyo ilaaladda gaarka ee Madaxyweynayaasha Puntland iyo Jubaland.
Golaha ayaa caddeeyey in heshiis laga gaaray dhammaan qodobadii gundhig u ahaa qabsoomidda shirka wadahadalada oo ay qayb ka tahay golayaasha ilaaladda gaarka ah ee masuuliyiinta shirka ka qayb galaya. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo dowladdiisuba waxay qaateen go’aan qar iska xoornimo ah oo khatar gelinaya nolosha wufuuddii saarnayd diyaaradaha la celsahay.
Qoraalka ayaa lagu sheegay in goluhu si niyadsami ah u aqbalay gogosha ay dowladdu dhigtay, wuxuuse aqbalaadda ka dib socday tallaabooyin si cad loogu carqaladaynayo qabsoomidda gogosha, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen: kulamo iyo hadallo lid ku ahaa ujeeddooyinka gogosha wadahadalada, wax ka beddelka dastuurka, iyo xannibaadda duullimaadyada wufuuddii ka qayb geli lahayd gogosha.
Hadaba, Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed wuxuu dadka Soomaaliyeed u caddaynayaa in uu diyaar u yahay wadahadal daacad laga yahay, wuxuuna dib u eegis ku samayn doonaa tubta wadahadalada.




