Xubnaha golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo ka kooban Madaxweynayaasha Puntland, Jubbaland, siyaasiyiin Mucaarad ah, xildhibaano katirsan labada…

Xubnaha golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo ka kooban Madaxweynayaasha Puntland, Jubbaland, siyaasiyiin Mucaarad ah, xildhibaano katirsan labada aqal iyo madax hore ayaa caawa shir uga furmay Magaalada Muqdisho.
Xubnaha golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa siweyn ugu gorfeeyey shirka caawa u furmay Xaaladda dalka, iyagoo ugu yeeray Madaxweynaha Somalia inuu xaqiiqda wajaho soona qaabilo dhinacyada ku sugan Muqdisho, xilli uusan weli furmin shirkii labada dhinac.
“Xamar marti kuma ihi, kamana tegeyno ilaa aan dalka badbaadinno, xildhibaannadii Hawiye ee doorashadii hore socodka badnaa ma hayno”, Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni.
Dhanka kalena, Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa yiri,”Wixii aan saaxiibkey Xasan shalay ka wada shaqaynaynay ayaan maantana ka shaqaynaynaa ee ha nagu soo biiro.”



