Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan ay yeesheen waxay ku ansixiyeen Miisaaniyadda…

Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan ay yeesheen waxay ku ansixiyeen Miisaaniyadda Dowladda ee 2021.
Kulanka ayaa waxaa guddoominayay Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee golaha shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad, waxaana ansixinta Miisaaniyadda Dowladda 2021 u codeysay 145-mudane mana jirin xildhibaan ka aamusay iyo wax diiday.
Mudanayaasha ayaa shalay akhrinta labaad marsiiyay miisaaniyadda Dowladda ee 2021-ka.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa uga mahadceliyay Baarlamaanka Golaha shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya meel marinta Miisaaniyadda Dowladda ee 2021-ka.
“ Wasaaradda Maaliyadda waxaa ka go’an iney xoojiso oo sii laba jibaarto dib-u-habeynta Maaliyadda,” ayuu ku yiri Wasiir Beyle qoraal uu soo dhigay Bartiisa gaarka ah ee Facebooka.
Sidoo kale, Wasiir Beyle ayaa u mahadceliyay mas’uuliyiinta Wasaaradda Maaliyadda ee u soo dhabar adeegay shaqada iyo isbedelka Maaliyadeed ee Dowladda ay ku talaabsatay.
Horseed Media
Salaam,
Waxaan maqli jiray kud ka guur oo qanjo u guur… waxaan kaloo maqli jiray maxay ku nuugtaa maxayse ka nuugtaa!!!