Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u ansixiyey qaraar muhiim ah oo…

Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u ansixiyey qaraar muhiim ah oo dhigaya in 14-ka October loo aqoonsado Maalin Qaran, taas oo sanad kasta lagu xasuusan doono dhibbanayaashii qaraxyadii argagixisada ee dalka ka dhacay. Go’aankan ayaa ah mid lagu xoojinayo xasuusta iyo dareenka midnimada shacabka Soomaaliyeed.
Fadhiga maanta ee Golaha Shacabka ayaa waxaa ka qeyb galay 140 xildhibaan, waxaana 137 ka mid ah ay si gacan taag ah ugu codeeyeen qaraarka, halka laba xildhibaan ay diideen, mid kalena uu ka aamusay. Natiijadaasi ayaa muujineysa taageerada ballaaran ee ay xildhibaannadu u hayaan qaraarkan.
Qaraarkan ayaa gaar ahaan diiradda saaraya xuska 14-ka October ee sanadkii 2017, maalintaas oo ay qaraxyo waaweyn oo ay fuliyeen kooxda Khawaarijta Al-Shabaab ay sababeen khasaare naf iyo maalba leh oo aan hore loo arag. Qaraxyadaas ayaa lagu waayay boqolaal qof, halka kumannaan kalena ay ku dhaawacmeen.
Guddoonka Golaha Shacabka ayaa sheegay in maalintan ay noqon doonto mid lagu xusuusto geesiyaashii naftooda ku waayay qaraxyadaas iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee ku dhintay weerarrada argagixisada. Waxaa sidoo kale lagu baaqay in la xoojiyo dadaallada amniga iyo mideynta shacabka.
Ugu dambeyn, Golaha Shacabka ayaa ku booriyey hay’adaha dowladeed, bulshada rayidka ah iyo warbaahinta in sanad kasta 14-ka October ay si mideysan u xusaan, si loo ilaaliyo xusuusta dhibbanayaasha loona dhiirrigeliyo nabadda iyo midnimada qaranka.



