Barlamaanka Puntland ayaa maanta akhrinta koowaad mariyey wax-ka-beddelka Xeerka Xisbiyada iyo Ururrada Siyaasadda ee Puntland, xilli…

Barlamaanka Puntland ayaa maanta akhrinta koowaad mariyey wax-ka-beddelka Xeerka Xisbiyada iyo Ururrada Siyaasadda ee Puntland, xilli la wado dib-u-eegis lagu sameynayo hannaanka sharciyeed ee doorashooyinka iyo nidaamka axsaabta siyaasadda.
Fadhiga 16-aad ee kal-fadhiga 58-aad ee Golaha Wakiillada waxaa shir guddoomiyey Guddoomiyaha Golaha, Cabdirisaaq Axmed Siciid, waxaana ku weheliyey Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad Maxamed Maxamuud Ciise ayaa golaha loogu qaybiyey nuqulada xeerkan.
Ajandaha kulanka ayaa diiradda lagu saaray akhrinta koowaad ee wax-ka-beddelka xeerka xisbiyada iyo ururrada siyaasadda. Kulanka waxaa hortagay mas’uuliyiin ka socday Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowladda Puntland iyo Guddiga Doorashooyinka Puntland (PEG), kuwaas oo mudanayaasha u sharraxay sababaha keenay in dib-u-habeyn lagu sameeyo xeerka.
Xildhibaannada Golaha ayaa su’aalo la xiriira wax-ka-beddelka u jeediyey wasaaradda iyo guddiga, iyagoo wax ka weydiiyey arrimaha uu xeerku xallinayo, ujeeddooyinka laga leeyahay, geeddi-socodkii uu soo maray iyo sababaha guud ee loo arkay in wax-ka-beddel lagu sameeyo sharciga xisbiyada iyo ururrada siyaasadda.




