Golaha Wakiillada Puntland oo Ansixiyey Soo-jeedinta Wax-ka-beddelka Dastuurka Dowladda Puntland.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland, Hon. Cabdirisaaq Axmed Siciid, oo ay weheliyaan Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad Hon. Maxamed…

30 July, 2026

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland, Hon. Cabdirisaaq Axmed Siciid, oo ay weheliyaan Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad Hon. Maxamed Baarri Shire iyo Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad Hon. Maxamed Maxamuud Ciise, ayaa maanta shir guddoomiyey Fadhiga 22-aad ee Kalfadhiga 58-aad ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland.

Kulanka maanta ayaa diiradda lagu saaray soo-jeedinta wax-ka-beddelka Dastuurka Dowladda Puntland, taas oo Golaha ay u soo gudbiyeen Guddiga Gaarka ah ee Falanqeynta Wax-ka-beddelka Dastuurka Dowladda Puntland, si ay mudanayaashu uga doodaan una gaaraan go’aan rasmi ah.

Intii uu socday fadhigu, Guddiga Gaarka ah ayaa Golaha horgeeyey warbixin faahfaahsan oo ku saabsan soo-jeedinta wax-ka-beddelka dastuurka. Warbixinta ayaa sharraxaysay qodobbada la doonayo in wax laga beddelo iyo sababaha loo soo jeediyey isbeddelladaas.

Guddigu wuxuu sheegay in wax-ka-beddellada la soo jeediyey ay si gaar ah diiradda u saarayaan arrimaha doorashooyinka iyo geeddi-socodka dimuqraadiyeynta, iyadoo ujeeddadu tahay in la waafajiyo dastuurka hannaanka dimuqraadiyadeed ee Puntland iyo horumarinta nidaamka dowladnimo.

Muddo dheer oo dood iyo falanqeyn ay yeesheen xubnaha Golaha Wakiillada kadib, mudanayaashu waxay aragtidooda ka dhiibteen soo-jeedinta, iyagoo falanqeeyey saameynta ay ku yeelan karto nidaamka siyaasadeed iyo habraacyada dastuuriga ah ee Puntland.

Markii cod loo qaaday soo-jeedinta, waxaa oggolaatay 41 mudane, cid diidday ma jirin, halka 4 mudane ay ka aamuseen. Natiijada codbixinta ayaa muujisay taageero ballaaran oo ay Golaha u muujiyeen soo-jeedinta wax-ka-beddelka dastuurka.

Guddoomiyuhu wuxuu ku dhawaaqay in soo-jeedinta wax-ka-beddelka Dastuurka Dowladda Puntland ay si rasmi ah u ansaxday, iyadoo loo marayo habraaca ku cad Qodobka 139-aad ee Dastuurka Puntland, kaas oo qeexaya habka wax looga beddeli karo dastuurka.