Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland, Cabdirisaaq Axmed Siciid, oo uu wehelinayey Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha, Maxamed…

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland, Cabdirisaaq Axmed Siciid, oo uu wehelinayey Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha, Maxamed Maxamuud Ciise, ayaa maanta shir-guddoomiyey Fadhiga 18-aad ee Kal-fadhiga 58-aad ee Golaha Wakiillada Puntland.
Ajandaha ugu muhiimsanaa kulanka ayaa ahaa ka doodista iyo meel-marinta wax-ka-beddelka Xeerka Ururrada iyo Xisbiyada Siyaasadda Puntland, kaas oo muddooyinkii dambe ay ka socdeen dooddo iyo falanqeyn ku saabsan qodobadiisa.
Kadib dood dheer iyo falanqeyn ay yeesheen mudanayaasha Golaha Wakiillada, waxaa cod gacan-taag ah lagu ansixiyey wax-ka-beddelka xeerka. Golaha ayaa sheegay in sharcigan wax weyn ka tari doono xoojinta nidaamka dimuqraadiyadda, horumarinta hannaanka axsaabta badan iyo xaqiijinta in doorashooyinka Puntland ay ku dhacaan hannaan sharci oo hufan oo daah-furan.
Fadhiga waxaa soo xaadiray 37 mudane, waxaana ansixinta sharciga u codeeyey 33 mudane, halka laba mudane ay diideen, labo kalena ay ka aamuseen codbixinta.




