Golaha Wakiillada Puntland oo Dhageystay Xisaab-xirka Miisaaniyadda 2025.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland, Cabdirisaaq Axmed Siciid, oo ay weheliyaan Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad Maxamed Baarri Shire…

25 July, 2026

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland, Cabdirisaaq Axmed Siciid, oo ay weheliyaan Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad Maxamed Baarri Shire iyo Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad Maxamed Maxamuud Ciise, ayaa maanta shir-guddoomiyay fadhiga 19-aad ee kalfadhiga 58-aad ee Golaha Wakiillada Puntland.

Ajandaha ugu muhiimsan ee kulanka ayaa ahaa dhageysiga warbixinta Xisaab-xirka Miisaaniyadda Dowladda Puntland ee sannadka 2025, Ku-simaha Wasiirka Maaliyadda ahna Wasiir Ku-xigeenka Maamulka, Axmed Yaasiin Saalax ayaa sharaxaad ka bixiyay habraaca iyo natiijooyinka xisaab-xirka miisaaniyadda.

Mas’uulka Wasaaradda Maaliyadda ayaa sheegay in gudbinta xisaab-xirka lagu saleeyay Qodobka 137-aad ee Dastuurka Puntland iyo Qodobka 64-aad ee Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada, kuwaas oo dhigaya habraaca sharci ee lagu soo gudbinayo laguna ansixinayo xisaab-xirka miisaaniyadda dowladda.

Gabagabadii fadhiga, Xisaab-xirka Miisaaniyadda 2025 waxaa loo gudbiyay Guddiga Maaliyadda, Dhaqaalaha iyo Xisaabaadka ee Golaha Wakiillada, si ay u sameeyaan akhrinta labaad iyo dib-u-eegis faahfaahsan.

Guddiga ayaa la filayaa inuu warbixintiisa dib ugu soo celiyo Golaha 28-ka Luulyo 2026, markaas oo mudaneyaashu ay ka yeelan doonaan dood rasmi ah isla markaana ay go’aan ka gaari doonaan ansixinta xisaab-xirka miisaaniyadda.