Golaha Wakiillada Dowladda Puntland ayaa maanta qabtay fadhigii 8-aad ee kalfadhiga 59-aad, kaas oo diiradda lagu…

Golaha Wakiillada Dowladda Puntland ayaa maanta qabtay fadhigii 8-aad ee kalfadhiga 59-aad, kaas oo diiradda lagu saaray la-xisaabtanka Xukuumadda, iyadoo hortimid Wasaaradaha Caafimaadka iyo Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyadda.
Fadhiga waxaa shir-guddoomiyey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, Cabdirisaaq Axmed Siciid, waxaana ku weheliyey Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad Maxamed Baarri Shire iyo Guddoomiye Ku-xigeenka labaad Maxamed Maxamuud Ciise.
Labada wasaaradood ayaa Golaha u soo bandhigay warbixinno ku saabsan waxqabadkooda, qorshayaasha ay damacsan yihiin inay fuliyaan iyo caqabadaha ka jira hawlahooda shaqo.
Xildhibaannada Golaha Wakiillada ayaa wasiirrada iyo masuuliyiinta kale ee wasaaradaha su’aalo ka weydiiyey waxqabadka, waajibaadka shaqo iyo arrimo u baahan faahfaahin dheeraad ah, taas oo qayb ka ah doorka Golaha ee kormeerka iyo la-xisaabtanka hay’adaha Xukuumadda.




