Golaha Wasiirada Puntland ayaa ansixiyey waxka beddelka xeerka maamulka degmooyinka & gobolada.

13 November, 2025

Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda, lyas Osman Lugatoor , ayaa Shir-guddoomiyey Shirkii todobaadlaha…

Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda, lyas Osman Lugatoor , ayaa Shir-guddoomiyey Shirkii todobaadlaha ahaa ee Golaha Wasiirada.

Shirka ayaa muddadii uu socdey siweyn loogu gorfeeyey Amniga Guud, Xaaladda Abaarta Puntland iyo Wax-ka-bedelka xeerka Gobolada , Degmooyinka iyo dhismaha Dowladaha Hoose iyo qodobo kale.

Golaha ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyey Wax-ka-bedelka xeerka Gobolada , Degmooyinka iyo dhismaha Dowladaha Hoose oo ay soo gudbisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimquraadiyeynta Puntland.