Golaha Wasiirada Puntland oo war ka soo saaray hawlgal maraakiib lagu soo furtay

Shirkii golaha wasiirada dowladda Puntland ayaa siweyn loogu bogaadiyey Ciidamada Ilaalada Badda Puntland (PMPF), kaddib howlgal…

1 October, 2026

Shirkii golaha wasiirada dowladda Puntland ayaa siweyn loogu bogaadiyey Ciidamada Ilaalada Badda Puntland (PMPF), kaddib howlgal ay ciidamadaasi ku soo badbaadiyeen markabka MTT-SIBU1 oo ay koox burcad-badeed ahi ku afduubteen xeebaha Puntland. Golaha ayaa sidoo kale ka hadlay arrimo la xiriira amniga, kalluumaysiga iyo ilaalinta khayraadka badda.

Shirka oo uu guddoominayay Ku-simaha Madaxweynaha Puntland, ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland, Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa lagu ammaanay dadaallada PMPF ee la xiriira sugidda amniga xeebaha Puntland iyo la dagaallanka kooxaha burcad-badeedda. Dowladda Puntland ayaa 25-kii Sebtembar sheegtay in ciidamada PMPF ay xoog kula wareegeen markabka SIBU1, oo ay burcad-badeeddu haysatay, waxaana markabka iyo shaqaalihiisa markii dambe la geeyay Boosaaso.

Golaha Wasiirrada ayaa sidoo kale bogaadiyey Ciidamada Daraawiishta iyo Booliska Puntland, iyaga oo sheegay in ciidamadaasi door ka qaateen hawlgallada lagu sugayo amniga Puntland. Dowladda Puntland ayaa maalmihii lasoo dhaafay kordhisay howlgalada ka dhanka ah burcad-badeedda, iyadoo mas’uuliyiin Puntland ah ay sheegeen in xeebaha Puntland laga xoreeyay maraakiibtii lagu haystay afduub ahaan.

Dhanka kale, Golaha Wasiirradu waxay tacsi u direen shaqaalihii markabka ay waxyeelladu kasoo gaartay hawlgallada lagula dagaallamayo burcad-badeedda, iyagoo sidoo kale sheegay inay dowladdu ka go’an tahay ilaalinta badqabka maraakiibta iyo shaqaalaha ku shaqeysta xeebaha Puntland. Arrintan ayaa kusoo beegmaysa xilli ay xeebaha Soomaaliya ka soo kordhayaan dhacdooyin la xiriira burcad-badeednimada, oo ay kamid yihiin afduubyo iyo weerarro lagu qaaday maraakiib ganacsi.