Golaha Wasiirrada DFS oo ansixiyey heshiisyo taageeraya Waxbarashada iyo Cilmibaarista.

9 October, 2025

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta shirkoodii todobaadlaha ku ansixiyay saddex heshiis is-afgarad oo la…

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta shirkoodii todobaadlaha ku ansixiyay saddex heshiis is-afgarad oo la xiriira waxbarashada iyo cilmi-baarista, kuwaas oo ay soo gudbisay Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare.

Heshiisyadan ayaa u dhexeeya Soomaaliya iyo dalalka Uganda, Qatar iyo Aljeeriya, waxaana diiradda lagu saarayaa kobcinta waxbarashada sare, iskaashiga cilmi-baarista iyo horumarinta aqoonta ardayda Soomaaliyeed.

Heshiiska koowaad ayaa la xiriira iskaashi waxbarasho oo dhexmaraya Soomaaliya iyo Uganda, halka heshiiska labaad uu yahay mid lagu xoojinayo tacliinta sare ee Soomaaliya iyo Qatar.

Sidoo kale, heshiiska saddexaad ayaa dhaxmaray Soomaaliya iyo Aljeeriya, kaas oo diiradda saaraya cilmi-baaris wadajir ah iyo is-weydaarsi aqooneed oo dhexmara jaamacadaha labada dal.

Kulanka Golaha Wasiirrada oo uu guddoomiyay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa sidoo kale looga dhageystay warbixinno amni oo ay soo jeediyeen Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga, kuwaas oo ku saabsanaa xoojinta amniga iyo la-dagaallanka Khawaarijta.