Golaha Wasiirrada Puntland oo ansixiyey hawlgelinta Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta PID

6 November, 2025

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Ilyaas Cismaan Lugatoor ayaa guddoomiyey shirkii toddobaadlaha…

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Ilyaas Cismaan Lugatoor ayaa guddoomiyey shirkii toddobaadlaha ahaa ee Golaha Wasiirrada Puntland, kaas oo looga hadlay arrimo dhowr ah oo muhiim u ah maamulka iyo bulshada Puntland. Shirkan ayaa lagu soo saaray go’aamo waaweyn oo la xiriira amniga, maamul-daadajinta iyo deegaanka.

Golaha Wasiirrada Puntland ayaa go’aamiyey in dib loogu celiyo Wasaaradda Amniga adeegga bixinta deganaanshaha iyo dal-ku-galka baasaboorrada ajaanibta yimaada Puntland. Tallaabadan ayaa imaneysa xilli ay jiraan khilaafaad ku saabsan awoodaha maamulka socdaalka ee u dhexeeya Puntland iyo dowladda federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale, Golaha Wasiirrada ayaa isku raacay in la hawlgeliyo Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Puntland (PID) laga bilaabo 1-da Janaayo 2026, taas oo lagu qorsheynayo inay ka shaqeyso nidaaminta xogta iyo diiwaangelinta muwaadiniinta Puntland. Hay’addan cusub ayaa lagu tilmaamay mid kor u qaadi doonta nidaamka maamulka iyo amniga gudaha.

Inta lagu guda jiray shirka, Golaha ayaa si faahfaahsan u dhageystay warbixin ku saabsan xaaladda abaarta ka jirta gobollada Puntland, iyadoo la isla gartay in la kordhiyo dadaallada gurmadka iyo taageerada dadka ay saameeyeen abaaraha. Wasiirrada Deegaanka ayaa sidoo kale soo jeedisay talooyin ku saabsan sidii xal loogu heli lahaa bacaadka fidaya ee halista ku ah deegaanka.

Ugu dambeyn, Golaha Wasiirrada Puntland ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyey degmooyinka Ceelbuh iyo Baraagaha-qol, kuwaas oo uu dhawaan magacaabay Madaxweynaha Puntland. Sidoo kale, Golaha ayaa loo qaybiyey wax-ka-beddelka Xeerka Maamulka Gobollada iyo Degmooyinka, si looga doodo ansixintiisa kulamada dambe ee Golaha.