Golaha Wasiirrada Dowladda Puntland ayaa caawa ansixiyey miisaaniyadda dowladda ee sannadka 2027-ka, taas oo dhan $308,213,973…

Golaha Wasiirrada Dowladda Puntland ayaa caawa ansixiyey miisaaniyadda dowladda ee sannadka 2027-ka, taas oo dhan $308,213,973 (308.2 milyan oo dollar), kaddib kulan uu shir-guddoomiyey Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, oo uu wehelinayey Madaxweyne Ku-xigeenka Ilyaas Cismaan Lugatoor.
Kulanka ayaa lagu soo bandhigay warbixinta Miisaaniyadda ee Wasaaradda Maaliyadda iyo natiijooyinka guddiyo farsamo oo dib-u-eegis ku sameeyey kobcinta dakhliga dowladda iyo maaraynta kharashaadka. Golaha Wasiirrada ayaa dood iyo falanqayn kaddib meel-mariyey miisaaniyadda uu soo diyaariyey maamulka Wasaaradda Maaliyaddu.
Miisaaniyadda cusub ayaa ka kooban dakhliga gudaha ee dowladda iyo dhaqaalaha laga filayo mashaariicda socda. Sida lagu sheegay warbixinta dowladda, miisaaniyadda laguma samayn wax dhimis ah xuquuqaha iyo waajibaadka maaliyadeed ee jira, waxaana qorshaha lagu saleeyey kordhinta dakhliga gudaha iyo xakamaynta kharashaadka.





