Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ansixiyay Xeerka Qoondada Miisaaniyadda 2026 iyo laba heshiis is-afgarad oo…

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ansixiyay Xeerka Qoondada Miisaaniyadda 2026 iyo laba heshiis is-afgarad oo Soomaaliya la gashay dalalka Uganda iyo Qatar, kuwaas oo quseeya iskaashiga socdaalka iyo amniga.
Kulanka toddobaadlaha ah ee golaha oo uu guddoomiyay Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa diiradda lagu saaray arrimaha miisaaniyadda iyo iskaashiga caalamiga ah, iyadoo wasiirradu ay si aqlabiyad leh u meel mariyeen heshiisyadaasi muhiimka ah.
Sidoo kale, golaha wasiirrada ayaa lagu soo bandhigay warbixino la xiriira amniga iyo difaaca dalka, waxaana la bogaadiyay guulaha ciidamada qalabka sida ka gaarayaan dagaalka lagula jiro kooxda Khawaarijta ee weli khatar ku ah amniga gudaha Soomaaliya.



