Dhanka kale, Golaha Wasiirrada ayaa xilka ka qaaday Guddoomiyihii Golaha Tacliinta Sare prof Maxamed Cali Faarax, iyagoo xilkaas u magacaabay Maxamuud Axmed Jimcaale.

Muqdisho, Soomaaliya – Golaha Wasiirrada Federaalka Soomaaliya ayaa Khamiistii ansixiyay afar xubnood oo loo magacaabay inay ka mid noqdaan Golaha Sare ee Garsoorka, tallaabo qayb ka ah hirgelinta qaab-dhismeedka garsoorka ee uu dhigayo Dastuurka Federaalka.
Go’aanka ayaa lagu gaaray shir uu guddoomiyay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Saalax Axmed Jaamac, kaddib soo jeedin ka timid Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka. Xubnahan ayaa loo magacaabay inay ka mid noqdaan Golaha Sare ee Garsoorka muddo shan sano ah, iyadoo magacaabistoodu ay dhaqan geli doonto marka la soo dhammaystiro habraacyada sharciyeed ee ansixinta.
Afarta xubnood ee la ansixiyay ayaa kala ah:
- Maxamed-deeq Macallin Aadan
- Maryan Sheekh Cismaan
- Cabdirisaaq Maxamed Ismaaciil
- Cabdiqaadir Cali Macallin
Sida uu dhigayo Dastuurka Federaalka Soomaaliya, xubnahan ayaa ah kuwa magacaabis ku soo galaya Golaha Sare ee Garsoorka. Xubnaha kale ee golaha ayaa si toos ah uga mid noqonaya xilalka ay hayaan, waxaana ka mid ah Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, Guddoomiyaha Maxkamadda Dastuurka, Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Guddoomiyeyaasha Maxkamadaha Sare ee Dowlad-goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir, iyo Guddoomiyaha Guddiga Madaxbannaan ee Xuquuqda Aadanaha.
Dhanka kale, Golaha Wasiirrada ayaa xilka ka qaaday Guddoomiyihii Golaha Tacliinta Sare prof Maxamed Cali Faarax, iyagoo xilkaas u magacaabay Maxamuud Axmed Jimcaale.
Kulanka ayaa sidoo kale lagu ansixiyay Hindise-sharciyeedka Dhaqanka iyo Farshaxanka, heshiis iskaashi oo dhinaca gaadiidka cirka ah oo ay wada galeen Soomaaliya iyo Cummaan, iyo Axdiga Dhallinyarada Afrika, kaas oo lagu xoojinayo ka qaybgalka dhallinyarada ee go’aan qaadashada siyaasadda iyo doorkooda horumarinta dalalka Afrika.
Horseed Media




